Wasiirka Maaliyadda XFS” Waa been abuur in lacago dheeraad ah lagu kordhiyay canshuurta badeedada Dekedda Muqdisho”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay warar ay bulshada isla dhexmarayaan oo ah canshuur kordhinta gobolka Banaadir.

Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa beeniyay in Wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay Canshuurtii  laga qaadi jiray badeecadaha  laga soo dejiyo Dekedda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay  in ay been abuur tahay wararka sheegayo in lacag dheeraad ay Wasaaradda dul saartay Canshuurta laga qaadi jiray ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Muqdisho,taasi oo lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Warkan ka soo baxay maanta  Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa meesha ka saaraya wararka la isla dhexmarayay ee ahaa in wasaaraddu ay lacag ku kordhisay canshuurta laga qaado badeecadda Dekedda Muqdisho laga soo dejiyo.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn...

Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobab ku da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...