Wasiirka Maaliyadda XFS” Waa been abuur in lacago dheeraad ah lagu kordhiyay canshuurta badeedada Dekedda Muqdisho”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay warar ay bulshada isla dhexmarayaan oo ah canshuur kordhinta gobolka Banaadir.

Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa beeniyay in Wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay Canshuurtii  laga qaadi jiray badeecadaha  laga soo dejiyo Dekedda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay  in ay been abuur tahay wararka sheegayo in lacag dheeraad ay Wasaaradda dul saartay Canshuurta laga qaadi jiray ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Muqdisho,taasi oo lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Warkan ka soo baxay maanta  Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa meesha ka saaraya wararka la isla dhexmarayay ee ahaa in wasaaraddu ay lacag ku kordhisay canshuurta laga qaado badeecadda Dekedda Muqdisho laga soo dejiyo.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...