Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya oo Doha kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee Qatar

Date:

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar, Gen Sacad Bin Jaasim Alkhalifim iyo madaxda sare dowladda Qatar.

Wasiirka Amniga XFS, ayaa madaxdaasi kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dhinac iyo arrimo kale oo quseeya dowladdaha Qatar iyo Somalia.

“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wadahadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” wasiir Isloow ayaa Bartiisa facebook-ga sidaasi  kusoo qoray.

Wasiirka ammiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Qatar inuu la kulmo masuuliyiin sare iyo saraakiil ciidan, islamarkaana uu kala hadli doono siddii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa nabad gelyada iyo qodobo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...