R/W Khayre oo dhagax dhigay Xabsiga dhexe ee Baydhabo

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa maanta dhagax-dhigay xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo oo laga dhisayo duleedka magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku soo maray goobta laga dhisayo Xabsigan oo noqon doona midka ugu weyn deegaanada Koonfur Galbeed. Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu horrayntii ka war bixiyey ahmiyadda uu dhismahan cusub ee xabsigu u leeyahay bulshada koonfur galbeed.

“Xabsigan cusub wuxuu meesha ka saarayaa baahidii loo qabay xabsi dhexe oo deegaanku yeesho. Waxaan rajeynayaa in marka uu dhamaado dhismaha xabsigan uu buuxin doono baahidii deegaanku u qabay. Iyadoo tani ay qeyb ka noqonayso qorshaha dawladda ee kor loogu qaadayo caddaaladda iyo amniga dalka.” Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo cid walba oo gacan ku siineysa sidii dalka oo dhan looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo lagama maarmaan u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Khayre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib, booqasho labo maalin ah oo ku joogay magaalada Baydhabo. Wuxuuna intii uu halkaasi ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay, Madaxda Koonfur galbeed, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Ciidamadda Xoogga dalka iyo AMISOM oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta iyo xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...