Guddoomiyaha G.Banaadir oo la kulmay Safiirka Turkiga +Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA)–Guddomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaaaliya Olgan Bekar.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta Caasimadda Muqdisho iyo sida ay iskula shaqeyn lahaayeen, islmarkaana ay isaga kaashan lahaayeen waxqabadkooda ku aadan casriyeynta Magaalada Muqdisho.

Dhoianaca kale Shirka Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa shalay Galab Lagu Qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan ayaa waxaa shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir Dhanka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Saalax Sh Maxamed, Waxaana Goob Joog Ka ahaa Ku Xigeenada Maamulka Gobolka Benaadir, Xoghayaha Guud Subeyda Maxamed Mukhtaar iyo Gudoomiyasha 17 Degmo ee Gobolka Benaadir.

Shirka Waxa Looga Hadlay Dardargalinta Amniga Nadafada iyo Sidii Loo hormarin lahaa Magaalada Muqdisho Sida Dib u dhiska Wadooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka tirsan Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...