Heshiiska ay gaareen TVga Qaranka iyo TVyada Dowlad Gobaleedyada

Date:

Heshiis Iskaashi
Agaasimeyaasha Telefishannada Qaranka (SNTV), PuntlandTV (PLTV), Jubaland
TV iyo Koofur Galbeed Soomaaliya (KGSTV) waxa ay ku heshiiyeen arrimaha
soo socda:
1- In ay is dhaafsadaan wararka iyo barnaamijyada
2- In Telefishanka Qaranku ka taageero Telefishannada Dawlad- goboleedyada dhanka Tababarrada, farsamada iyo Qalabka.
3- In Telefishanka Qaranku siiyo telefishannada dawlad-goboleedyada xafiisyo ay ku shaqeeyaan, telefishannada dawlad-goboleedyaduna ay
sidoo kale xafiisyo siiyaan wakiillada SNTV.
4- In Telefishanadu ay wadaagaan farriimaha iyo barnaamijyada wacyigelineed ee dowlad dhisidda xoojinaya heer Federaal iyo Heer
Dowlad-goboleedba, sidoo kalena ay baahiyaan farriimo iyo barnaamijyo mideysan oo bulshada looga wacyi gelinayo xagjirnimada.
5- In Telefishannadu sameeyaan tabin mideysan xilliyada ay lagama maarmaanka tahay.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...