Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland

Date:

Muqdisho(SONNA), 21 Nofeembar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.”

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil.

-DHAMMAAD-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta amniga deegaannada KGS

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto...

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha XFS oo Kulan wada jir ah ka Yeeshay Xoojinta Arrimaha Shaqooyinka Qaranka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane...