Robert Mugabe oo ogolaaday inuu xukunka ka dego

Date:

Harari –(SONNA)- Mdaxweynahaha Zimbaabwe Robert Mugabe ayaa ogolaaday inuu mudo 37 sano ka dib uu xukunka Madaxtinimada dalkaasi uu ka dego.

Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Reuters ee Dalka Britain waxay Talaabada uu qaaday Mugabe ay ka dambeysay kadib markii ay wada hadallo dhex mareen Taliyaha Ciidamada  qabsaday dalkaasi.

Dhanka kale Idaacadda iyo Telefishnka dalka Zimbabwe ayaa soo wariyay in Robert Mugabe uu maanta hadal u jeedin doono shacabka dalkaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray In Xisbiga talada haya ee dalkaasi  ZANU–PF uu musharaxa  hogaamiyaha Xisbiga dalkaasi u doortay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi  ninka lagu magacaabo Emmerson Dambudzo Mnangagwa  isagoo  u taagan tartanka Madaxtinimada dalkaasi oo dhici doonta 2018ka.

Musharaxan u taagan tartanka Madaxweyninimada daalkaasi Zimbabwe isla markaana loo doortay Hogaamiyaha Xibiga awooda ku leh dalkaasi  ayaa Todabaadyo ka hor xilka Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi laga eryay, taasoo sababtay inuu mileteriga Zimbabwe uu xiisadda dalkaasi uu soo dhaxgalo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...