Soomaaliland(SONNA) Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland,iyadoo guddiga doorashooyinka lafilayo in uu ku dhawaaqo natiijada,taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.
Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey,wuxuuna intaasi ku daray in Maanta ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.
Geesta kale Xisbiga Wadani ayaa muujinaya markale mucaarado xoogan isagoo xubnihii uag qeybgalayay goobjoognimada doorashadaasi,,wararka ayaa tilmaamaya in Xisbiga Wadani uu Saluugsan yahay Natiijada ay ka heleen Gobolka ay Soomaliland ula baxday Maroodijeex oo ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Waxaa siweyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada,Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada,balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga wadani uu eedeymou jeediyay duggiga doorashada,iyadoo guddiguna uu iska fogeeyey eedeymahaasi.