Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kuwa Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta Madaxa banaan oo caawa kala saxiixanaya hishiisyo dhanka Wacyi gelinta ah

Date:

Waxaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Caawa ka socda Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta oo Ujjeedkeedu uu yahay Kulanka isdhexgalka iyo Wacyi gelinta Bulshada Dowladda iyo Bahda Warbaahinta ee Xasilinta dalka, waxaana kasoo qeyb galay Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada, La taliyaha Madaxweynaha ee Dhanka arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/guud Bashiir Maxamed Jaamac, Masuuliyiin Dowladda ka tirsan iyo Marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala oo furitaanka Munaasabadda hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaraddaha Warfaafinta Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta Madax banaan ee dalka Caawa ay kala saxiixan doonaan hishiisyo qodobo badan ka kooban oo uu kamid yahay in loo midoobo habka Wacyi gelinta Bulshadda Soomaaliyeed iyo in si isku mid ah looga wada qeyb qaato Horumarka Dalka.

KULAN ISDHEXGALKA IYO WACYIGALINTA BULSHADA DOWLADDA IYO BAHDA WARBAAHINTA EE XASILINTA DALKA

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Σάββατο, 4 Νοεμβρίου 2017

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...

Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...