Wasiirka qorsheynta XFS oo hortegay Aqalka sare+Sawiro

Date:

Muqdisho(SONNA)-Wasirika Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa manata hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiye ku_xigenka 1 aad abshir maxamed (Abshir buqaari).

Ugu horeen Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa munayaasha ugu warbaxiyay qaabk dhismeeka Wasaarada iyo horumarada ay sameysay Wasaarada, sidoo kale waxuuu sharxaad ka siiyay mashaariicda hada ka
socda gobolada dalka,iyo ahmiyada uu u leeyahay qorshaha dalkeena.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,isla markaana dul istaagay  tiir walbo ahmiyada uu u leeyahy Dalka.

Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada  Aqalka Sare, ayaa su’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socdadalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo,si siman  dalka malooga hirgaliyaa mahsaariicda, dowlad gobaleedyada  muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarinta qaranka maxay ku saleysan tahay,ayee  waydiiyeen wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha ay waydiiyeen munayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay
Qorshaha Horumarinta Qaranka,sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka
codsaday  in ay u wada istaagan  sidii dalka  khayraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.

Guddoomiye ku_xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare  Abshir Maxamed(Abshir Buqaari)ayaa bogaadiyay howlaha  dalka u hayaan Wasaaradda Qorsheynta qaranka, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen  howlaha kala duwan ee dalka ka socda.


W/Q: Cabdirashiid Nuur Ibraahiim

SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...