Shariif Xasan”Waxaan ku guuleysanay in heer doorashada Gole deegaan aan gaarsino

Date:

Baydhabo(SONNA) Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu xusayay sand guuradii 3-aad ee ka soo wareegatay markii la unkay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa ka qayb galay madaxwaynaha  Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya,Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Mudadii ay socotay munaasabadasi ayaa Waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka Maamulka Koonfur Galbeed mudada 3-da sano ah ee maamulku shaqaynayay, kuwaas oo ay ka mid yihiin talaabooyinka loo qaaday dhinaca maamul wanaagga ilaa la gaarsiiyo in degmooyinka qaar gole deegaan loo sameeyey iyo dhismaha xarumaha dawlad goboleedka.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aaden ayaa sheegay in maamulkiisu qaadayo talaabioiyin lagu hormarinayo adegyada bulshada iyo amniga,isagoo ugu baaqay bulshada deegaanada Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan maamulkaasi.

Dhamaan madaxdii ka qeybgalay munaasabadaasi ayaa ku ammaanay maamulka Koonfur Galbeed dadaalada horumarineed ee uu wado,iyadoo sidoo akle loogu baaqay in la sii xoojiyo howlaha u adeegista bulshada iyo ka qeybgalka talada mamaulka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...