Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjireyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay qorshaha abaabulka dagaalka Alshabaab

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika.

Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.

-DHAMMAAD-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

HALGANKA NOLOLEED EE XOOG-MAALATADA

Booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee...