In ka badan Boqol Arady ee deeqda waxbarashada heley oo gaarey suudaan

Date:

Waxaa Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan gaaray 115 arday oo deeq waxbarasho ka heshay  Suudaan Ardaydan Cusub ayaa waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada khartuum kusoo dhaweeyay Jaaliyadda, Safaaradda, iyo  Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya  Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ardayda Soo gaartay Suudaan tiradoodu tahay 115 arday,Waxaana uu intaa kudaray Agaasimaha dufcadani inay tahay tii 9aad ee ay wasaaradda waxbarashad Soomaaliya keento Dalka Suudaan laga soo bilaabo 2009 ilaa haatan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka ardayda Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Qani Nuur  Cusmaan oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa aad u soo dhaweyay ardayda cusub asigoona kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan sharciga u yaala Dalkane Suudaan.

Gabagabadii qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Suudaan ayaa aad ugu mahadnaqay sida quruxda badan ay u soo dhaweeyan Ardayda reer Suudaan iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed,...

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...