R/wasaaraha Soomaaliya  oo furay shir looga hadlayey fududeynta habka canshuur bixinta 

Date:

 

Muqdisho (SONNA), R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya,  Mudane Xassan Cali Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane C/raxmaan Bayle, ayaa si wada jir ah uga qeyb galay Shir gaar ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay la qaadatay Ganacsatada Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay bixinta canshuurta iyo arrimo kale.

Shirkaan oo uu furay R/wasaare Kheyre, ayaa waxaa si gaar ah u wada fariistay Madaxda wasaaradda iyo Ganacsatada Magaalada, iyaddoona la falanqeeyay qaabka ugu fudud ee Canshuuraha ay u bixin karaan Ganacsatada.

“Waxaan diyaar u nahay inaan bixino waajibaadka Dowladda, balse waxaan doonaynaa inaan helno Xuquuqdeena” waxaa sidaasi yiri qaar kamid ah Ganacsatadii shirka ka hadashay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale, ayaa dhankiisa sheegay in Ganacsatada looga baahanyahay in ay Dowladda garabsiiyaan, isla markaana ay bixiyaan Canshuurta looga baahanyahay.

 


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...