Ciidamada Xoogga dalka oo Xorreeyey deegaano horleh  oo  Gobolka Sh/hoose katirsan

Date:

Muqdisho (SONNA), Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa howlgallo ka dhan ah maleeyshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah Gobolka shabellaha hoose, iyaggoo ku xorreeyey deegaano hor leh oo gobolkaaasi katirsan.

Degaano hoos yimaada degmadda Kuntunwaareey ayey ciidamada xoogga ka xorreeyeen Nabad diidka Alshabaab, waxaana  deegaanadaas argagixisada ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, waxayna ku  qasbi jireen  inay keenaan dhalinyaro u dagaalanta kooxda iyo in aysan jari Karin geedka Soomaalida ay u taqaan cali garoobka oo wadooyinka deegaanada la xorreeyey xiray, dhibaatana bulshada ay ku qabeen.

Taliyaha ururka 26 aad ee  guutada seddaxaad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar (Jaamici) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in gacanta Nabad diidka Alshabaab ay ka bixiyeen deegaano hoos yimaada  degmadda Kuntunwaareey ee Gobolka shabellaha hoose, islamarkaana ay qabteen tiro Maleeshiyaad oo Kooxda u dagaalameysay.

Col Xasan Jaamici, ayaa sheegay in howlgalada Nabad diidka lagula dagaalamayo ee gobolka Sh/hoose ka socda ay noqon doonaan kuwa joogta ah, dhowaanna lasoo afjari doonno howlgaladaasi,  isagoo shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay kala shaqeeyaan siddii Alshabaab looga xoreyn lahaa deegaaanada tirada yare ee hadda ay ku dhuumanayaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...