Safiirka Soomaaliya ee K/Afrika oo la shiray ganacsatada+Sawirro

Date:

K/Afrika(SONNA) Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika, iyadoo ay ka qeybgaleen  Ganacsatada Soomaalida qaar ka mid Gobolada ay Soomaalida u badantahay ee Dalkaasi

Kulankan oo ahaa kii labaad oo ay Safaaradda u qabato qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ayaa loogu hadlayay sidii loo hormarin lahaa ganacsiga Soomaalida iyo sida loo dhisi lahaa Madal ay ku mideysanyihiin Ganacsatada Soomaalida K/Afrika oo ay Safaaradda  ka caawinayso xagga Sharciyada Dalka si loogu midoobo dhibaatooyinka u badan dilalka iyo dhaca ee Soomaalida kala kulmaan burcadda K/Afrikanka.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo ka hadlay madasha ayaa sheegay tallaabadan lagu mideynayo ay tahay mid loo baahanyahay si loo hormariyo ganacsiga Soomaalida oo sanadihii dambe sii yaraanayay,kadib markii ay Soomaali badan dib ugu laabteen dalka qaar kalana  ay barakaceen.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Wadamada Afrika Koonfuureed, Jamal Barrow oo shir Guddoominayay kulanka ayaa sheegay hadii la helo isku duubni ay Safaaraddu ka caawin karto waxyaabah loogu baahdo Dowladda K/Afrika.

” Hadii aan midobno waxaan ku gorgortami karnaa cududeena Shirkadaha dalka ka jiro taas ayaa waxaa ka mid ah waxyaabaha aan u dhiiragalinayno inaad noqotaan hal madal waxaana jira Shirkado badeeco siin karo Ganacsatada,waxaa kale keeni karnaa halkaan maalgaliyaasha Soomaaliya jooga halkaan” ayuu yiri Safiir Jamal Barrow.

Todobaadyada soo socda ayay Madaxda Safaaradda u socdaali doonaan Gobolada Soomaalida ka deganyihiin K/Afrika si loo helo fikirado kala duwan kuwaas oo ugu dambeyntii mideyn kara Ganacsatada Soomaalida K/Afrika oo hada kala qoqoban si ay ugu midoobaan dhibaatooyinka iyo barakicinta joogtada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...