Wasiir Oomaar”Waxaan Umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Garoonka Muqdisho Amaankiisu yahay Boqolkiiba Boqol”.

Date:

Muqdisho(SONNA):–Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Amni daro ka jirto Garoonka Magaalada Muqdisho .

Mudane Maxamed C/laahi Salaad ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan Howlaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ayna been abuur tahay warar  maalmahaan ay faafiyeen Qaar ka mid ah Hay’addo waxuuna sheegay in ay la xisaabtami doonaan kuwa Wararka been abuurka ah Faafiyay .

“Garoonka waxaan ku qabanaa maalin kasto oo Sabti ah Shir looga hadlayo Aminga,waxaan maalmahan jiray Warar sheegaya in Goroonka Amnigiisa uu xunyahay waa mid been ah oo aan sal iyo raad laheyn ,waxaana Umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Garoonka Aadan Cadde Amaankiisu yahay Boqolkiiba Boqol, waxa loo sheegayo ay been yihiin wax isbadal ah oo dhanka Aminga Goroonka majiro maalinba maalinka ka dembeyso wuu sii Hagaagayaa”Ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka XFS

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa ku wargaliyay Bulshada Soomaaliyeed iyo Shirkadaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Dalka  in uu sugan yahay Amaanka Garoonka Aadan Cade uuna kamid yahay Garoomada ugu Nabad galyada Badan Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...