Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-Guddoomiyey Shirka Amniga oo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho, 11 November 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa khudbad ku aadan horumarka dhanka amniga halkaas ka jeediyey isagoo sheegay in shirkii London ee bishii May, dhammaan howlihii lagu heshiiyey ay Dawladda Federaalka sameysey welina wado qorshaha hubinta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qiimeyn lagu soo sameynayey bishii hore welina socota. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa khubaro iyo Wasiir ku xigeenka u dirtay gobollada dalka oo lagu soo tiro koobayey ciidamada XDS laguna dhiirigelinayey howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay soo celinta amniga iyo kala danbeynta, ugana mahadceliyey beesha caalamka doorkooda ku aadan xasilinta dalka.

RW Khayre ayaa ka codsaday beesha caalamka inay fursadan hadda jirta ee shacabka uu diyaarka u yahay in lala dagaalo kooxaha argagaxisada ah looga baahanyahay inay waxii kaalmo ah si deg-deg ah ula soo gaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM si loo dar-dargeliyo howlgalada lagu jihaadayo argagaxisada. RW Khayre ayaa u mahadceliyey wadmada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin mug leh uga qaataan dagaalada lagula jiro kooxaha argagaxisada ah. RW Khayre ayaa sheegay booqashadii Madaxweynaha ee wadamada deriska ay ay madaxda dalalkaas isku raaceen in la dardargeliyo howlgalada military eek a dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

RW Khayre ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay isla meel dhigeen hirgelinta Istraatejiyada Amniga Qaranka oo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la isla meel dhigay dhammaan qorsheyaasha amniga dalka kuna heshiiyey in si adag looga wada qeyqaato howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagaxisada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...