Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga XFS oo la kulmay Saraakiisha Taliska 21-aad ee CXD

Date:

Cadaado(SONNA):–Mudane C/llaahi Colaad Rooble Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maant gaaray Magaalada Cadaado, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa SONNA u sheegay in Ujeedada socdaalka Wafdiga Wasiirka ay la xiriirt u kuur-galka xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka qeybtooda ku sugan deegaanada Galmudug,iyo sidii loo qiimeyn lahaa.

Wasiir ku xigeenka Difaaca Soomaaliya oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa markii ay tageen magaalada Cadaado waxay booqdeen Xerada 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka halkasi oo ay kula kulmeen saraakisha iyo ciidamadooda.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada oo uga waramay xaaladda guud ee ciidamada qeybtooda 21-aad ay kusugan yihiin iyo baahiyaha ay qabaan.

Mudane C/llaahi Colaad Roobel ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay naftoodi ugu hureen difaaca Dalka iyo dagaalka lagula jiro Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Wuxuu xusay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso tayeynta ciidamada iyo daryeelkooda,wuxuuna intaasi ku daray in loo diyaar garoobayo sidii dalka looga sifeyn lahaa maleeshiyada Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa ka...