Ciidamada Ammaanka Masar oo 10 Qof oo Argagixiso Ah Ku Dilay Gobolka Siinaay.

Date:

Masar(SONNA) Ciidamada ammaanka Dalka Masar ayaa sheegay inay dileen 10 qof oo ka mid ah  ururada  Arggagixsada ee dalkaasi ku sugan kadib  Hawlgal oo laga fuliyey gobolka woqooyiga ee Siinaay.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in diyaaradda APACHE ee Wadanka Masar jimcihii ay u suura gashey inay Duqeeyaan Saldhigyo ay lahaayeen kooxda Argagixisada ah iyo gaadiid ay wateen duqayntaas oo ka Dhcdey gobolka koonfureed  magaalada loo yaqaan  SHEEKH SWAID.

Goobtaasi la duqeeyey waxa ku dhintey Afar qof oo ka mid ah argagixisada, lix kale oo kamid ahna waxa lagu dilay goob Aanay ciidamada amaanku magacaabin.

Kooxahan Argagixisada ah ayay dawladda Masar ku eedaysey inay diyaarinayeen hawlo arggagixisanimo ah iyo inay Rabeen inay wadanka ka geystaan qaraxyo.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Qalab laga sameynayay Waxyaahaba qarxa, kaa soo ay ugu Talagaleen inay ku wax yeeleeyaan Ciidamo marayay jidka.

Waqtiyadan dambe ciidamada ammaanka Masar ayaa waday howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka, Kaa soo lagaga sifaynayo gobolada Arggagixisada ay ka dhigatay gabaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...