Mareykanka oo digniino culus soo saaray

Date:

Mareykanka(SONNA) Warkan ka soo baxay Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa looga digay dalalka dariska la ah Lubnaan inaysan colaad ka hurin Lubnaan, kadib markii xiisad ay ka dhalatay iscasilaadii ra’iisal wasaarihii Lubnaan, Sacad Alxariiri.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka kooxaha hubeysan ee shisheeye aysan gudaha Lubnaan uga furneyn dowr faragalineed oo sharci ah, isaga oo hadalkaasi uga dan lahaa xulafada Lubnaan ee, iyo kooxda hubeysan ee Shiicada ah ee Xisbulaah.

Ra’iisal Wasaare Xariiri ayaa six un u dhalleeceeyay labada dhinac ee Koxda Xisbulaha iyo xulufada kale ee Lubnaan kaddib markii uu uga dhawaaqay inuu iscasilay Sacudi Carabiya.

Xisbulaah ayaa sheegeysa in Sucuudi Carabiya ay xirtay Mr Xariiri ayna ku qasabtay inuu iscasilo. Basle Mr Tillersio ayaa sheegay in loo xaqiijiyay in Mr Xariiri aan la xirin Marakankuna uu taagersan yahay dowlada madaxbanaan oo ah Lubnaan.

Antonio Guterras Xogahayana guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ka digay colaad hor leh oo ka dhalata Lubnaan ay cawaaqib xun ka dhalan doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...