Tiro Al-shabaab ah oo lagu dilay Gobolka Baay

Date:

Muqdisho-(SONNA)-Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Maraykanka ayaa duqeeyay fariimiso ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanno ka mid ah Gobolka Baay.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaasoo lala eegtay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa intaa raaciyay in duqaynta oo ka dhacday meel 100 Mayl u jirta Caasimadda Muqdisha kana tirsan Gobolka Baay ay ku dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, balse wax faahfaahin ah lagama bixin haddii ay ku jiraan hor-joogayaal sare.

Hadafka duqaynta laga lahaa ayuu talisku ku sheegay ka hortagga haliska ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-shabaab ku hayaan Gobolka iyo guud ahaan Caalamka intiisa kale.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay iney sii socon doonaan howl gallada lagu baacsanaya Argagixisada, iyadoo ay weerarradaasina qayb ka yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...