Nin Soomaaliyeed oo ka mid noqday golaha garsoorka Maxkamadda Hague

Date:

New York-(SONNA)-Golaha guud ee Qaramada midoobay ayaa mar kale u doortay inuu ka mid ahaado garsoorka guud ee Maxkamadda dembiyada caalamiga ee ICC.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf  oo Maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa Sagaalkii Sano ee lasoo dhaafay, ayaa dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi.

Abuukar Daahir Cusmaan safiirka soomaaliya u fadhiya QM ayaa sheegay inuu Garsoore C/qawi ku guuleystay Cod aqlabiyad ah, iyadoo ay aad u bogaadiyeen dhammaan wakiillada 193-da waddan ee ka qayb galay doorashadaasi.

Garsoore Cabdulqawi horay usoo ahaa Guddoomiye ku xigeenka,waxaana lagu wadaa in horraanta 2018-ka uu noqdo Guddoomiye sida uu sheegay Amb:Abuukar Cusmaan.

Maxkamadda dembiyada Caalamiga ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Netherland ayaa imminka Gacanta ku haysa kiiska muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xigasho: VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...