Khuburo arimaha Baasaboorada oo ka socda Midowga Yurub oo muqdisho soo gaaray+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Khubaro arimaha hubinta dukumentiyada u qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay u arkaan habka qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Imaanshaha wafdiga khubarada ah ayaa ka dambeysay ka dib safaro uu agaasimaha guud ee HSJ ku tagay dalalka reer yurub oo uu kala hadlay in ay aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan Basaboorka Soomaaliya. Ujeedada ayaa ah in shakiga iyo kalsooni darada laga saaro dalalka hore u joojiyey in dalalkooda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga ah.

Wafdiga Khubarada ah oo ay wehlinayeen masuulyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee booliiska ( C I D ) si ay u arkaan habka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu qaato Basaboorka Soomaaliga, waxayna xarunta C I D kula kulmeen  taliyaha laanta Danbi baarista booliiska Jenaral Saciid Cali Kadiye.

Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta Dad dhigista ee Gobolka Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada Dhalashada iyo Sugnaanta.

Ugu dambeyn khubarada ayaa soo gaaray xarunta dhexe ee bixinta Baasaboorka Muqdisho waxayna mid mid u tageen xafiisyada Hay’adda si ay u arkaan habka bixinta Baasaboorka.

Agaasimaha guud ee HSJ Col. Koofi ayaa casho sharaf u sameeyay wafdiga khubarada marka ay soo dhameysteen howlihii ay Soomaliya u yimaadeen, waxaana wafdiga ay agaasimaha guud u sheegeen in hormar weyn uu ka muuqdo dhamaan xafiisyada loo maro qaadashada Baaaboorka isla markaana ay Soomaliya ugu horeyso wadamo badan oo afrika ah oo ay horay u tageen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...