Wasiirka Maaliyadda XFS” Waa been abuur in lacago dheeraad ah lagu kordhiyay canshuurta badeedada Dekedda Muqdisho”

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay warar ay bulshada isla dhexmarayaan oo ah canshuur kordhinta gobolka Banaadir.

Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa beeniyay in Wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay Canshuurtii  laga qaadi jiray badeecadaha  laga soo dejiyo Dekedda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay  in ay been abuur tahay wararka sheegayo in lacag dheeraad ay Wasaaradda dul saartay Canshuurta laga qaadi jiray ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Muqdisho,taasi oo lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Warkan ka soo baxay maanta C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya wararka la isla dhexmarayay ee ahaa in wasaaraddu ay lacag ku kordhisay canshuurta laga qaado badeecadda Dekedda Muqdisho laga soo dejiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda iyo mucaaradka oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada qaran, xasilloonida siyaasadeed, iyo...

Masar oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay...

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda...