Wasiirka Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka ka codsaday in ay ansixiyaan Sharciga Maareynta Maaliyadda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane  C/raxmaan Ducaale Bayle,  ayaa maanta Xildhibaanada Golaha shacabka Jamhhuuriyadda Soomaaliya  hortagay, isagoo ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo diyaarisay.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in Sharcigan uu yahay mid lagu hubinayo Dakhliga maaliyadeed ee DFS, uuna yahay mid muhiim u ah Maaliyadda Qaranka, waxaana uu xusay in uu  xoojinayo maaliyada iyo maamulkeeda wax badanna uu  kabadali doonno habka Maaliyada Dalka.

” Shircigaan waa Sharciga haggi doonna Maaliyadda Dalkeena ee gudaha iyo dibada ka yimaada, waxuu sharcigan xoojinayaa  Maaliyada iyo Maamulkeeda, waxuu qeexayaa Awooddaha dadka ka shaqeeya Maaliyadda, waxa uu qeexayaa Wasiirka iyo Arrimaha Masuuliyaddiisa, waxuu qeexayaa shaqaallaha Bankiga  iyo xaquuqdooda, waxuu ka hadlayaa Maamulka Lacagta iyo qorsheyaashiisa” ayuu yiri Wasiir Beyle

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...