Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya oo Doha kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee Qatar “Sawirro”

Date:

Doha (SONNA),  Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar, Gen Sacad Bin Jaasim Alkhalifim iyo madaxda sare dowladda Qatar.

Wasiirka Amniga XFS, ayaa madaxdaasi kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dhinac iyo arrimo kale oo quseeya dowladdaha Qatar iyo Somalia.

“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wadahadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” wasiir Isloow ayaa Bartiisa facebook-ga sidaasi  kusoo qoray.

Wasiirka ammiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Qatar inuu la kulmo masuuliyiin sare iyo saraakiil ciidan, islamarkaana uu kala hadli doono siddii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa nabad gelyada iyo qodobo kale.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...