Taliyaha qeybta 12-ka April ee CXD“5 ayaan dilnay 7 kalena waan qabanay”+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere ayaa wakaalada SONNA u sheegay in Howlgalo ka dhacay Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose lagu dilay 5-ka mid ah Argagaxisada Al shabaab, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay 7-ka mid ah.

“Howgalka wuxuu ka socdaa Labada shabeelle ilaa iyo hadda waxaan gacanta ku dhignay 7 Maleeshiyada Al shabaab ah 5-na waa laga dilay maadaama xilli roobab ah lagu jiro Taliska ciidanka xoogga dalka howlgalkan wuxuu ugu tala galay in ay ka qeyb qaataan Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo lugta kuwaasoo daba socda Maleeshiyada oo meel kasta kaga daba tagaya, goordhow ayaan soo afjareynaa howlgaladan insha allah”ayuu yiri Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Cumar Dheere

Taliyaha ayaa dhinaca kale guul weyn ku tilmaamay sida shacabka uga qeyb qaadanayaan Howlgalada, iyagoo fahmay dhagarta Maleeshiyada Al shabaab, isagoo sheegay in taasi ay fursad weyn siisay ciidamada xoogga dalka maadaama shacabka ay door weyn ka qaadanayaan Howlagalada iyagoo sheegaya meelaha ay u cararaan Al shabaab.

“Ciidamada waxaa habeen iyo maalin garab taagan dadka shacabka ah ee ku nool deeganada howgalka uu ka socda, waxay nala wadaagaan meelaha cadowga joogaan iyo qorshayaashooda waana guul weyn, waxayna daliil u tahay sida loo nacay kooxdan.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb weyn ka qaadanayaan maamulada Labada Shabeele

“Howgalka waxaa qeyb ka ah maamulada labada Shabeelle, oo iyagana Garabkeena taagan waxayna naga caawinayaan Tusidda meelaha lamari karo iyo jidadka maadaama Gobolka ay xog ogaal u yihiin sida ugu dhaqsiyaha Badan ayaana loo soo afjarayaa kooxdan dhiig cabta ah”

Howlgaladan ayaa ah kuwo sahamo ah oo hordhac u ah dagaalka guud ahaan gobolada dalka laga bilaabi doono, kaasi oo lagu ciribtirayo Argagaxisada Al shabaab, waxaana diyaar garow xoogan ku jira Ciidamada xoogga dalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Ciidanka AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka oo sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, Cabdikariin...