Madaxweyne Gaas oo ka warbixiyay duqeyntii lagu bartilmaameedsaday Horjoogaha Daacish ee Soomaaliya

Date:

MUQDISHO- (SONNA)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday horjoogihii Daacish ee Soomaaliya oo ku sugan Buuralayda Galgala ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in horjoogaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin inuu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku ku qaadeen buuralayda Gobolka Bari taasi oo isaga lagu bartilmaameedsanayay.

Xogo ay heleen hay’adaha ammaanka Puntland ayuu ku sheegay Madaxweynaha Puntland  in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Cabdulqaadir Muumin,iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Gobolka Bari.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa  soo dhaweeyay beegsiga lagu hayo kooxda Daacish, isaga oo sidoo kale tilmaamay Daacish in ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed,loona baahanyahay in la iska kaashado dagaalka lagula jiro argagixisada.

Xigasho VOA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...