Shirka wadatashiga W/Warfaafinta JFS,Maamul Goboleedyada iyo Warbahinta gaarka ah oo maalintii labaad galay

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta ka kala yimid Gobolada dalka oo dhan, dhamaan ururada saxaafada iyo masuuliyinta dawlada federaalka ee madasha ku sugnaa, wuxuu ku ammaanay wasiirada warfaafinta Maamul goboleedyada sida qadarinta mudan ee ay u soo ajiibeen marti qaadkii uu u fidiyay.

“Aan wada tashanno micnaheedu waa aan heshiinno. Shirkan in uu muhiim u yahay horumarinta saxaafadda dalka iyo abuuridda iskaashi buuxa oo u dhaxeeya qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka Soomaaliya. Waxaa naga go’an in aan horumarinno saxaafadda Soomaaliya oo aan gaarsiinno heerarka caalamiga ah. Doodaha la midka ah kuwa aan qorsheynay in ay shirkan ka dhacaan muhiimad gaar ah ayay u leeyahay guud ahaan horumarinta saxaafadda dalka.” Ayuu yiri Eng Yariisoow.

Waxaa kaloo ka hadlay shirka dhamaan wasiirada warfaafinta ee dowlad goboleedyada, wakiilada ururada saxaafadda, guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo isgaariinta ee Golaha Shacabka mudane Khalid Macoow.

“Waxay noo tahay fursad aad u wanaagsan inaan idinkala soo qayb galno shirkan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee JFS, mudane Abdirahman Omar Osman “Yarisow”. Waxaa muhiim ah in Warbaahinta madaxa bannaan muhiimad gaara lasiiyo, Waxaan codsanaynaa in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadaba ay tixgalin siiyaan saxaafada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan. Warbaahintu, mas’uul kama aha inta badan warbixinada iyo sawirada aan anshaxa saxaafadda waafaqsanayn ee la soo dhigo warbaahinta bulshada (Social Media).” Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Khaalid Macow, wuxuu sheegay in kulankan uu yahay mid muhiima, shirka maantana uu muujinayo midnimada saxaafadda. Wuxuu la dardaarmay suxufiyiinta dalka oo dhan oo xusay in ay lagama maarmaan tahay in ay si buuxda oo aan leexleexad lahayn u ilaaliyaan anshaxan saxaafadda, iskana ilaaliyaan ku xudgudubka muwaadiniinta, ilaaliyaanna midnimada qaranka,

“Saxaafaddu waa in aysan sheegin war aysan hubin. Xeerka Saxaafadda ee hadda horyaalla baarlamaanka dalka, waxaan ka shaqaynaynaa in uu si waafaqsan shuruucda xuquuqda caalamiga ah ilaaliyo xoriyadda warbaahinta iyo wariyahaba. Waxaana lagama maarmaan ah in mas’uuliyiinta saxaafadda madaxa bannaan ay si gaar ah u dhowraan xuquuqda muwaadiniinta iyo sharaftoodaba.” Ayuu yiri Khaalid Macoow.

Mas’uuliyiinta kale ee shirka ka hadashay, waxaa ka mid ahaa, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al Cadaala, Cali Cabdi Awaare, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Warbaahinta Madaxa Banaan. Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mudane Mahad Xasan. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Mudane Maxamuud Cusmaan Masagawa. Wasiirka Warfaafinta Iyo isgaadhsinta Jubaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan. Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed. Farxiya Maxamed Khayre, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Saxafiyiinta ee SWF. Agaasimaha Warbaahinta madaxtooyada Mudane, Cabdinuur Maxamed Axmed. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng. Yarisow”, wuxuu ugu dambayntii kula dardaarmay ka qeybgalayaasha shirka in dhowrka maalmood ee soo socda si wanaagsan u lafaguraan qodobada shirka, xilna iska saaraan in ay shirk aka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo horumarinaya guud ahaan saxaafadda dalka iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhab ah oo dhexmara warbaahinta dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...