Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo ku guuleysatay in ay xabsiyada Dalkaas ka soo deyso Dad soomaaliyeed oo ku xirnaa.

Date:

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dadka dadka xabsiyada laga sii daayay ay gaarayaan 20, ayna ku jiraan 4 carruur ah.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo ku jiray xabsiyo ku yaalla Magaalooyinka Taanga iyo Lindi ee Dalka Tanzania.

Ka dib kulan uu safiirku la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Tanzania Mwiguli Najambe iyo Xuseen Baashe oo ah xildhibaan reer Tanzania ah oo asalkiisu Soomaali yahay, ayaa lagu guuleystay in la sii daayo dadka soomaaliyeed oo ku xukunnaa xabsiyo u dhexeeya 3 bilood ilaa 3 sano.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiyada Tanzania ayaa la filayaa inay Berri Subax ama maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa sheegay in ay safaaraddu ku howlan tahay sidii loo sii deyn lahaa ilaa 7 qof oo kale oo howsha sii deyntoodu heer gebo-gebo ah mareyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...