Gudiga Gurmadka ee Putland oo soo gaaray Muqdisho”Sawirro”

Date:

Muqdisho(SONNA)-Gudiga gurmadka Qaran ee Putland ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho kuwaas oo wada lacago ay iska soo aruuriyeen shacabka iyo maamulka Putland si-ay uga qeyb qaataan Gurmadka loo sameynayo Dadkii dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Magaaladda Muqdisho 14 kii October.

Goroonka Diyaaraha Muqdisho ayaa waxaa gudigan  ku soo dhaweeyey Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xubno ka socday Gudiga Gurmadka Deg Deg ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Cilmi Cumar Ceynsane ayaa sheegay in loobahan in Soomaalidu isgarab istaagto ayna ugu mahadcelinayaan sida ay ay ugu soo gurmadeen walaalahooda dhibtu gaartay.

Deeqdaan Lacageed oo ay iska soo aruuriyaan shacabka iyo maamulka putland ayaa gaareysay 480,000 kun oo Dallar taasi oo loogu tala galay in loogu gargaaray dadkii ay wax yeelada ka soo gaartay musiibadii ka  dhacay Isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...