Haween la baray farsamada gacanta si ay u maareeyaan noloshooda

Date:

Muqdisho (SONNA) – Boqol Haween ah oo ka mid ah dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha ee Goblka Benaadir ayaa loo soo gaba gabeeyay tababbar muddo afar bilood ah socday oo ay ku baranayeen farsamada gacanta gaar ahaan ka shaqeynta Harqaanka iyo tolista dharka, isla markaana Hay’adda Horumarinta Haweenka ee SSWC ay bixineysay, iyadoo sidookale haweenkaasi la guddoonsiiyay agabkii ay ku shaqeysan lahaayeen oo dhameystiran.

Agaasimaha Hey’adda SSWC Aamino Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in ujeedka tababbarkan uu ahaa in Haweenka lagu dhiiri geliyo inay shaqeystaan si ay u maareeyaan nolosho qoysaskooda

Cabduqaadir Gacal Abkow oo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Sahro Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Hay’ada arrimaha Haweenka ka shaqeysa ee SWDC ayaa haweenka tababbarka loo soo xiray ku bogaadiyay inay ku shaqeystaan waxyaabaha la baray

Qaar ka mid ah Haweenkii loo soo xiray tababbarka ay ku baranayeen tolista harqaanka ayaa sheegay in waxyaabaha la baray ay bulshada inteeda kale usii faa’iideyn doonaan, ayna dhankooda ugu shaqeystaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...