Safiirka Somaaliya eeTurkiga”Saldhiga Turkiga ee Muqdisho waa mid muhiim u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya”

Date:

Muqdisho(SONNA):-Safiirka Somaaliya ee Turkiga Jaamac C/llahi Maxamed(Jaamac Ceydiid) ayaa Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Sabah ku sheegay in Saldhiga millateri ee turkiga uu ka furay Muqdisho in uu bilow u yahay dhismha Dowladnimada Soomaaliya

Waxa uu Carabka ku dhuftay in Saldhigaan uu ka qeyb qaadan doono dhismaha Ciidamada Qaranka  Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray in waqtigaan uu muhiim u yahay geedi socodka Dowladnimada ayna ku faraxsan yihiin Xaruntaan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in iskaashiga labada dhinac uu ku socda si dardar leh, waxaana uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee taageero u fidiyay Soomaalida markii uu dhacay Qaraxii 14 bisha October ka dhacay Muqdisho.

“waxaan kale oo aan la ilaawi karin marna booqashadii uu Racep Dayip Ordogan  uu ku tagay Muqdisho sanadkii 2011 markaasi oo ay Dalka ka jirtay macluul, waxa ay ahayd booqasho aan caadi aheyn, waxa ayna meesha ka saartay fikradii ahayd in aan la tagi karin  Muqdisho, waxii markaasi ka dambeeyay waa la booqanayaa Dalka” ayuu yiri Safiirka.

Xerada tababarka Ciidamada waxaa ka soconayaa tababarka  Kumaanaan ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa loogu tala galay Difaaca Qaranka Soomaaliya,Xeradan Turkiga uu ka furay Muqdisho waxaa lagu tiriyaa Xaruntii ugu weyned ee uu ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa.

Ka sakoow Saldhiga tababarka ee Muqdisho, waxa uu Turkiga ka fuliyay Soomaaliya mashaariic horumarineed  oo ay ka mid yihiin hirgalinta goobo waxbarasho, dhismaha Waddooyinka iyo Xarumo Caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...