Maamulka D/Mahadaay oo wada qorshayaal looga hortagayo fatahaadda Webiga Shabeele

Date:

Guddoomiyaha Degmada Mahadaay C/laahi Maxamed Xuseen Geel-doox oo la hadlay Saaka Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Maamulka Mahadaay uu wado qorshayaal looga hortagaayo Fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeele ee mara Degmada mahadaay iyo tuulooyinka hoose yimaada.

C/laahi Maxamed Xuseen Geel-doox Guddoomiyaha Degmada Mahadaay waxaa uu tilmaamay in Maamulka Mahadaay uu Agab looga hortagaayo Fatahaada Webiga Shabeele ay gaarsiiyeen tuulooyinka hoos taga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe si loo yareeyo saamaynta uu bulshada ku yeesho farka uu fataho Webigu.

Guddoomiyaha Degmada Mahadaay C/laahi Maxamed Xuseen waxaa uu wareysiga uu siiyay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ku sheegay in Maamulka Mahadaay oo kaashanaaya Wasaaradda Arrimah gudaha Soomaaliya ay ku guulisteen hirgalinta Xaruunta Degmada iyo dhismaha Xaruumo kale oo adeegyada aas aasiga ah loogu qabto bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ku ku nool shabeelaha dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...