Madaxtooyada Soomaaliya oo been abuur ku tilmaantay warqad baraha bulshada la soo dhigay

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo saacadihi ugu dambeeyey baraha bulshada lagu arkayay warqad been abuur ah oo lagu sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya,ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku tilmaantay mid been abuur ah

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaliya C/nuur Maxamed Axmed oo u warramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay wax kama jiraan tahay warqadaasi oo baraha bulshada la isla dhexmarayo.

“Majirto wax magacaabis ah oo uu sameeyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ku aadan in Xasan Yuusuf Jaamaca uu madaxweynaha u magacaabay Safaarada Soomaaliya ee Kenya, waa warqad been abuur ah”Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka  Madaxtooyada Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanayay baraha bulshada warqado ku qoran dukumintiyo looga been abuuranayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaaladaha guud ee Dalka ,taasi oo  lagu tilmaamayo in ay tahay arrin aan u wanaagsanayn danta guud,horumarka iyo sharafta  Umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...