Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo sheegay in dhowaan ku shaqeyn doonaan Xaruntoodii hore ee KM7 ku taalla

Date:

Muqdisho (SONNA) Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/gaas Xuseen Xasan Cismaan oo ay wehliyaan Taliye ku xiggeenka Koowaad S/guuto C/kariin Cali Afrax  iyo Sarkiil ka tirsan Ciidankaasi, ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta uu ku taalla Ex kontarool Afgooye oo dhismihiisu uu marayo meel gabo gabo ah, dhowaanna lagu wado in xarigga laga jaro.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Saraakiishii la socotay,  ayaa   kormeray Xafiisyadda ay ku shaqeen doonan hoggaanada Ciidanka iyo Saraakiisha, waxaana   kormeerka kadib uu xarigga ka jaray masaajid ay ku cibaadeystaan Ciidanka  oo dhismahiisu gacan ay ka geesatay  Hay’adda  Muno Dacwa Al islaamiya  oo laga leeyahay dalka sudaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  S/ gaas Xuseen Xasaan Cismaan, ayaa sheegay in dhowaan xaraga laga jari doono Dhismaha Taliska Guud ee Ciidankaasi, ayna Taliska KMG ay kusoo guuri doonaan, lagu shaqeyn doono xauntan markii xarrigga laga jaro.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...