Jowhar(SONNA) Kulan hal maalin socday loogana hadlaayay siddii loo dabooli lahaa baahiyaha kala duwan ee ka jra maamulka Hirshabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaasi.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Qorsheynta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masโuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Dowladda Federaalka,Hayโado ka socday Qaramada Midoobay,Masโuuliyiin ka kal socday Hirshabeelle,Shabeellaha dhexe,kan degmada Jowhar iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan ee Hirshabeelle.
Ugu horeyn,waxaana kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo u mahad celiyay Hayโadaha iyo masโuuliyiinta kala duwan ee kulanka ka soo qeyb galay.
Wuxuuna Axmed Meyre Makaraan kula dardaarmay ka soo qeyb galayaasha iney faaโdada ay helaan ku celiyaan shacabka ay ka soo tageen si ay uga faaโideystaan.
Sidoo kale,Waxaa,isna halkaasi ka hadlay sii hayaha xilka wasaarada Qorsheynta Hirshabeelle,Maxamed Cabdi C/laahi,isagoo faah faahiyay muhiimada kulanka.
Waa kulankii ugu horeeyay oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta ee Hirshabeelle ee looga hadlayo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ka jira Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย
