Imaaraadka oo Ciidamo Qalabkooda u dhameystiran yahay ku wareejiyay Taliska Ciidanka xooga dalka+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, ayaa 311 Askari oo tababar ay u soo gaba gabeysay Dowlada Imaaraadka wuxuu ku wareejiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, C/weli Jaamac Xuseen “Gorod”, Munaasabad ka dhacday Xarunta Jeneraal Gordan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda, waxaana ciidamadan ay yihiin kuwa qaatay tababaro wanaagsan isla markaana ay u dhameystiran yihiin Gaadiidkooda, Hubkooda iyo agabyada kale ay u baahan yihiin.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kaga mahad celiyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay u taageerto ciidamada xooga dalka, isagoo sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka la doonayo in gabi ahaanba lagu ciribtiro Maleeshiyada Jid iyo Jihadiidka ee Al shabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ciidamada xooga dalka ay u heli lahaayeen Tababaro caalami ah, qalab dhameystiran iyo Mushaar joogta si ay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Argagaxisada Al shabaab kaga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...