Imaaraadka oo Ciidamo Qalabkooda u dhameystiran yahay ku wareejiyay Taliska Ciidanka xooga dalka+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, ayaa 311 Askari oo tababar ay u soo gaba gabeysay Dowlada Imaaraadka wuxuu ku wareejiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, C/weli Jaamac Xuseen “Gorod”, Munaasabad ka dhacday Xarunta Jeneraal Gordan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda, waxaana ciidamadan ay yihiin kuwa qaatay tababaro wanaagsan isla markaana ay u dhameystiran yihiin Gaadiidkooda, Hubkooda iyo agabyada kale ay u baahan yihiin.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kaga mahad celiyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay u taageerto ciidamada xooga dalka, isagoo sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka la doonayo in gabi ahaanba lagu ciribtiro Maleeshiyada Jid iyo Jihadiidka ee Al shabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ciidamada xooga dalka ay u heli lahaayeen Tababaro caalami ah, qalab dhameystiran iyo Mushaar joogta si ay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Argagaxisada Al shabaab kaga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...