Amiirka Kuweyt oo aqbalay Iscasilaada R/wasaarahiisa

Date:

Muqdisho (SONNA) Amiirka dalka Kuweyt Sheekh Sabaah Al-Axmed Al-Sabaax ayaa si rasmi ah u aqbalay Istiqaaladda uu u gudbiyay R/wasaarihii dalkaasi Kuweyt Sheekh Jaabir Al-Sabaax.

Sida ay maanta soo warisay wakaaladda Wararaka dalkaasi Kuna, waxa uu amiirku soo saaray amar qoraal ah oo xafiiskiisa ka soo baxay kuna aqbalayo istiqaaladda R/wasaarihiisa,wuxuuna wasiirada ku amray inay hawsha sii wadan ilaa inta laga soo magacaabayo Xukuumad cusub.

Kol hore ayay aheyd markii R/wasaaraha kuweyt uu Istiqaalad noocan ah u gudbiyay amiirka dalkaasi balse dib loogu celiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

Guusha dowlad kasta waxaa ugu dambeyn lagu cabbiraa saameynta...

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...