Khartum(SONNA)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari oo iminka ku sugan magaalada Khartum ayaa ugu hambalyeeyay Xukuumadda iyo shacabka suudaan cunaqabateyntii mudada dheer saarneyd oo ay dhawaan ka qaaday dowladda Mareykanka,taasi oo uu sheegay inay aad u farxad gelisay shacabka suudan.
Mudane Jawaari ayaa Tahniyadan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay kalfadhi ay lahaayeen Baarlamaanka suudaan uuna shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaankaasi Prof Ibrahim Ahmed Omar,wuxuuna guddoomiye Jawaari khudbadiisa ku xusay inay shacbka labada dal sudan iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir qota dheer oo aad u xididideystay isla markaana labada dal masaalix iyo dano wada jir ahna ay wadaagaan.
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya waxa uu soo dhaweeyay dadaalka dowladda aaanu walaalaha nahay ee Suudan ay ugu jirto xalinta ama wax ka qabashada mushkilada Soomaaliya ee dhinacyada badan leh
.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahamed Sheekh Cusman Jawaari waxa kale uu khudbadiisa ka sheegay inay suudaan jaamacad uga furtay gudaha dalka Soomaaliya dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana kumanaan dhaliyaro ah deeq waxbarasho ugu fidisay daalkeeda kuwaasoo qaarkood marka ay dalka soomaaliya dib ugu soo laabteen aqoontooda uga faaideeyay shacabkooda waxqabadkoodana uu ka muuqdo wasaaradaha dalka.
Khudbadaasi uu Mudane jawaari u jeediyay xubnaha baarlamaanka Sudan, wuxuu kaloo ku soo hadal qaaday horumarka dhinacyada badan leh ee uu maanta gaaray dalka Soomaaliya, xaaladda Amni iyo wadciga uu dalku marayo,wuxuuna cadeeyay inay Soomaaliya ay maanta ka gudubtay dagaallo qabaa’il ah ayna hore u qaaday talaabo dhanka horumarka ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu kaloo ka hadlay ahmiyad ay u leedahay booqashada wafdigiisa marka loo eego ka qeyb galka kalfadhiga labaad ee Golaha sharci dejinta Baarlamaanka suudan,wuxuuna sheegay inuu warqad tahniyad ah uu uga sido shacabka Soomaaliya.
Mudane Jawaari wuxuu munasabadaasi martiqaad ugu fidiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudan prof. Ibrahim Ahmed iyo wafdi baarlamaani ah uu hogaaminayo inay booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, taasoo ujeedkeedu yahay sii xoojinta xiriirka labada baarlamaan iyo labada dal intaba, wuxuuna yididiilo wanaagsan ka muuiyay mira dhalka booqashada ay haatan ku joogaan magaalada Khartum ee caasimadda dalka Sudan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka sudan prof, Ibrahim ahmed Cumar oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyay nuxurka ay xambaarsan tahay khudbad guddoomiye Jawaari u jeediyay Baarlamanka dalkaasi, wuxuu cadeeyay in labada dal soomaaliya iyo Suudan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo aad u qota dheer,loona baahan yahay in labada Baarlamaan ay sii horumarriyaan xiriirkaasi.
Wuxuuna intaa raaciyay inay wafdiga soomaaliya ee uu hogaaminayo Mudane Jawaari iyo hogaankaa Baarlamaanka sudan ay kala saxiixdeen heshiis isfaham ah ee labada dhinac.