Gddoomiyaha G/Shabeelada Hoose oo la kulmay maamulka Deegaanka Buulo-Mareer

Date:

Shabeelada Hoose(SONNA) Kulankani oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amaanka ayaa ka dhacay Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose,iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose  Ibraahim Aadan Cali(Najax) oo ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugaan deegaanadaasi  ayaa gaarey deegaanka Buulo-Mareer halkaasi oo kulankan uu ku dhexmaray isaga, maamulka deegaanka iyo bulshada halkaasi kunool.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha iyo maamulka ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladaha guud ee ahniga deegaankaasi,iyo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada,waxaana siweyn looga hadlay sidii shacabka iyo maamulka ay ciidamada ugala shaqeyn lahaayeen xaqiijinta amniga iyo ka hortaga dhagaraha cadowga umadda Soomaaliyeed ee SHabaab.

Ibraahim Aadan Cali Najax guddoomiyaha Gobolka ayaa maalmahan waxaa uu kormeer uu ugu kuurgal;aya xaaladaha guud ee amniga iyo dhaq dhaqaaq bulshada ku marayay qaar kamid ah deegaanada Gobolka Shabeelada Hoose.

Dhanka kale wefdiga guddoomiyaha ayaa gaarey deeganka Golweyn waxaana safarka u ujeedkiisu yahay ukuurga;ka xaaladaha deegaanada Gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...