Akhriso Wareegto Maamulka Gobolka Banaadir uu ka soo saaray Gawaarida xamuulka

Date:

Muqdisho (SONNA) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya.

Darawalada gaadiidka xamuulka qaada iyo Booyadaha ayaa lagu wargaliyay cidii jabisa xeerkan ama ku xad gudubta in ay la kulmi doonto ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000).

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in wareegtadan lagu baahin doono Warbaahinta mudo sedex maalin ah si dadka loo baraarujiyo isla markaana ay u wada ogaadaan xeerkan, waxaana Talaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir, waxaana Digreetadan ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...