Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay Geeridii ku timid Marxuum Suxufi Maxamuud Maxamed Jimcaale.

Date:

Muqdisho(SONNA)–Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka tacsiyaeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Suxufi Maxamamuud Maxamed Jimcaale, kaasi oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Geerida Marxuumkaasi waxaa kaloo ka tacsiyadeeyay Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaraddaasi iyo shaqaalaha Wasaaradda, waxayna eebe uga barayayaan inuu Janadiisa ka waraabiyo, eheladii iyo Asxaabtii uu tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariisto Maxamed Maxamuud Jimcaale waxaa uu waxbarashadiisa hoose iyo sareba ku qaatay Dugsiga Jiniraal Daa’uud ee Magaalada Muqdisho, waxa uu Wasaarada Warfaafinta , gaar ahaan Raadiyo Muqdisho ku soo biiray 1975-kii, waxaa wax badan lagu yaqiinay Barnaamijkii Bandhiga Raadiyaha oo ilaa hadda Raadiyo Muqdisho ka baxa.

1989 ayuu shaqada Raadiyo Muqdisho ka joogsaday, waxaa uu dib u galay Dugsi quraan, waxaana uu xafdiyay qur’aanka, waxaa uu joogta ka dhigtay inuu ka qeybgalo xelqadaha subaca qur’aaka meelaha lagu qabto.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Jimcaale sanooyinkii dambe, waxaa uu noqdey qof la nool xanuunka Sonkorta ama macaanka, waxana xanuunkan ku keenay in mid ka mid ah lugahiisa la jaro, Muddo uu sidaa ku noolaa waxaa uu dhawaan mar kale cisbitaal u galay qaliin lugta kale loogu sameynayay, balse qalinkaasi waa u dhintay, Alle janada haka waraabiyo, ehelada iyo asxaabtiisii warbaahintana sabir iyo iimaan Alle haka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...