Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay Geeridii ku timid Marxuum Suxufi Maxamuud Maxamed Jimcaale.

Date:

Muqdisho(SONNA)–Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka tacsiyaeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Suxufi Maxamamuud Maxamed Jimcaale, kaasi oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Geerida Marxuumkaasi waxaa kaloo ka tacsiyadeeyay Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaraddaasi iyo shaqaalaha Wasaaradda, waxayna eebe uga barayayaan inuu Janadiisa ka waraabiyo, eheladii iyo Asxaabtii uu tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariisto Maxamed Maxamuud Jimcaale waxaa uu waxbarashadiisa hoose iyo sareba ku qaatay Dugsiga Jiniraal Daa’uud ee Magaalada Muqdisho, waxa uu Wasaarada Warfaafinta , gaar ahaan Raadiyo Muqdisho ku soo biiray 1975-kii, waxaa wax badan lagu yaqiinay Barnaamijkii Bandhiga Raadiyaha oo ilaa hadda Raadiyo Muqdisho ka baxa.

1989 ayuu shaqada Raadiyo Muqdisho ka joogsaday, waxaa uu dib u galay Dugsi quraan, waxaana uu xafdiyay qur’aanka, waxaa uu joogta ka dhigtay inuu ka qeybgalo xelqadaha subaca qur’aaka meelaha lagu qabto.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Jimcaale sanooyinkii dambe, waxaa uu noqdey qof la nool xanuunka Sonkorta ama macaanka, waxana xanuunkan ku keenay in mid ka mid ah lugahiisa la jaro, Muddo uu sidaa ku noolaa waxaa uu dhawaan mar kale cisbitaal u galay qaliin lugta kale loogu sameynayay, balse qalinkaasi waa u dhintay, Alle janada haka waraabiyo, ehelada iyo asxaabtiisii warbaahintana sabir iyo iimaan Alle haka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Muqdisho, Jimco, 20-ka Febraayo 2026 1'Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka...