Akhriso Wareegto Maamulka Gobolka Banaadir uu ka soo saaray Gawaarida xamuulka

Date:

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya.

Darawalada gaadiidka xamuulka qaada iyo Booyadaha ayaa lagu wargaliyay cidii jabisa xeerkan ama ku xad gudubta in ay la kulmi doonto ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000).

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in wareegtadan lagu baahin doono Warbaahinta mudo sedex maalin ah si dadka loo baraarujiyo isla markaana ay u wada ogaadaan xeerkan, waxaana Talaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir, waxaana Digreetadan ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo...