Dowladaha Sacuudiga, Kuwait, iyo Qatar ayaa cambaareeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho

Date:

Bayaan kasoo baxay wasaaradaha Arrimaha Dibadda dalalka Sacuudiga, Kuwait, iyo Qadar ayaa lagu cambaareeyey qaraxyadii ka dhacay Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen dad isugu jiray shacab iyo masuuliyiin.

Dalalkaasi ayaa sheegay in falkaasi ay si aad ah uga xun yihiin oo ay cambaareynayaa, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ku taageeri doonaan sidii looga hortagi lahaa falalka Argagixisada ay ku heyso dadka Soomaaliyeed.

Dowladahaasi ayaa u tacsiyeeyey ehelada dadkii ku dhintay weerarka iyaga oo u rajeeyey caafimaad kuwii ku dhaawacmay falkaasi ay geysteen Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar iyo qaraxyo ku qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho, falkaas oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...