Weerarkii Naasahablood2 oo la soo afjaray iyo mas’uuliyiin la soo badbaadiyay

Date:

Muqdisho(SONNA) Wararka aanu ka heleyno hotelka Nasahablood2 ayaa sheegay in Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay soo badbaadiyeen dad badan oo ku go’doonsanaa hotelka la weeraray.

Mas’uuliyiinta amniga  ayaa sheegayaa in dadka la soo bad baadiyay ay kamid ahaayeen mas’uuliyiin iyo Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta Ciidamada.

Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee gudaha ugu jiray Hotelka ayaahalkaasi ku dagaalamayay iyadoo la maqlayaya qaraxyo iyo rasaas goos goos ah.

ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyootay weerarkaasi halka dhaawacyo uu soo gaaray dad intaasi ka badan waxaana dadka ku dhintay weerarkaas ka mid ah wasiirkii Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed Madoobe Nuunow, Xildhinaan Hore C/naasir Gaarane iyo Sarkaal boolis oo lagu magacaabo Fanax, dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaalada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...