Guddoomiye Jawari oo lagu soo dhaweeyey Suudaan

Date:

Suudaan(SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray Magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan.

Wafdiga guddoomiyaha oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Khartuum kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan ,mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaiya ee Dalka Suudaan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda tan Khartuum.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa mudada ay joogaan Dalkan Suudaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Suudaan oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baaarlamaanka  ee Dalkan sida uu Warbaahinta uu u sheegay Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...