Madaxda Dowladda FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo kulamo horudhac ah uga socoda Muqdisho

Date:

VillaSoomaaliya(SONNA) Iyadoo maanta magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin madaxda Dowlada Goboleedyada Dalka ayaa waxaa bilowday kulamo wadatashi oo horudhac ah oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada

Ajandahaha looga hadlayo kulamadan horudhaca ah ayaa la xiriira in la mideeyo istraatiijiyada ku aadan duulaanka ka dhanka ah maleeshiyada Argagixisada Shabaab, taasi oo ay isku afgarteen madaxda Dowladda Federaalak Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada.

Warar ay wakaaladda SONNA ka heshey madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in la isku raacay ajandaha ugu muhiimsan oo ah in midoobo gulafka Alshabaab ka dhanka ah.

Sidoo kale kulamadan ayaa horudhac u ah shirkii loo balansanaa in maanta ay yeeshaan madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ay kulamadan horudhac u yihiin taasi oo lagu sii xoojinayo ajandayaasha ugu muhiimsan ee lagu gorfeyn doono shirkaasi marka uu toos u furmo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhawaan madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ku casuumay shir wadatashi ah,kaasi oo haatan ay bilowdeen kulamo horudhac u ah adandayaasha looga hadlidoono shirkaasi.

Madaxada Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu dagaal ka dhan ah SHabaab uu gali doono,maalimo kadib markii ku dhawaad 600 boqol oo qof oo aan waxba galab ay xasuuqeen maleeshiyada SHabaab,taasi oo si isku mid ah u saameysay dareenka bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan madaxda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Iska diiwaangeliyay Dhuusaamreeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada

WAR-SAXAAFADEED Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta...

Wasiirka Gaashaadhigga oo ka qeybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil katirsan ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo...