Wakiilka Midowga Africa”Soomaaliya waxay u baahantahay midnimo xoogan

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo Soomaaliya ay haatan  cagta saareyso dhabihii horumarka iyo geedi socodka Nabadda ayaa Midowga Africa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay horumar ku talaabsato sanadaha soo socda.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa Fransisco Madiera ayaa qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka ee Amisom kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dadaalada socoda.

Danjire Madeira ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay midnimo waarta si ay dib ugu soo ceshato sumcadeedi iyo horumarka dalka uu ku laha caalamka intiisi kale.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa ayaa u rajeeyey Soomaaliya in ay ku talaabsato barwaaqo iyo horumar,isagoo xusay in haatan ay muuqato ififaalo ku aadan arrintaasi.

Dalalka Midowga Africa ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo uu ugu horeeyo amniga iyadoo qaar kamid ah wadamadaasi ay ciidamo kajoogaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...